Jurgen Klopp Oo Liverpool Bar-Bar Dhigay Barcelona Xilli Uu Ka Hadlayay Tartanka Horyaalka Premier League

Tababaraha kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa kooxdiisa Liverpool bar-bar dhigay kooxda Barcelona xilli uu ka hadlayay tartanka ay ugu jiraan horyaalka premier League.

Xilli uu ka hadlayay bar-barihii kulamadii ugu dambeeyay ay gashay ayuu Klopp sheegay in ay Barcelona oo ah hogaamiyayaasha horyaalka La Liga dhibco Lumisay xilli ciyaareedkan.

Klopp ayaa sidoo kale taageerayaashiisa u balan qaaday in uuna xilli ciyaareedkan ahaan doonin midkii ugu dambeeyay ee ay kooxda Liverpool u tartami doonto hanashada horyaalka premier League.

Liverpool ayaa doonaysa in ay soo afjarto guul la,aanta horyaalka premier League ee 29 sano ah iyada oo ugu cad-cad ku guulaysiga horyaalka.

Reds ayaa hal dhibic ku hogaaminaysa horyaalka xilli ay 11 kulan u hadheen dhamaadka horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

Laakiin Klopp ayaa la kulmay dhaleecayn xoogan kadib markii ay kooxdiisu bar-baro gashay 4 ka mid ah 5-tii kulan ee ugu dambeeyay tartamada oo dhan oo uu ugu dambeeyay kulankii Man United ee Axadii.

“Miyay kooxdaha kale si joogto ah guulo u gaadhaan? Uma gaadhaan”ayuu tababaraha reer Germany ugu jawaabay dhaleecayntaas.

“Waxa jira ma aad soo bandhigi waydo qaab fiican, hadii aanad 25 dhibcood ka horayn hogaanka horyaalka, Leicester City way soo martay, chelsea-na way soo martay”.

“Kaliya man City ayaan xilli ciyaareedkii hore lumin Dhibco wakhti muhiim ah, Xitaa Barcelona ayaan ku jirin qaab fiican kulan kasta xilli ciyaareedkan”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here