Jurgen Klopp Oo Kooxdiisa U Sheegay 3 Arimood Oo Ay Sameeyaan Si Ay Man City Ugu Garaacaan Horyaalka Premier league.

0

Tababaraha Kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa kooxdiisa u sheegay 3 arimood oo looga baahan yahay hadii ay doonayaan in ay Man City ku garaacaan hanashada horyaalka premier League.

Jurgen Klopp ayaa xiddigaha kooxdiisa u sheegay in ay noqdaan qaar xoogan, Khatar dhab ah iyo waliba qaar wax fiican fisha si ay Man City ugu garaacaan tartanka premier League.

Liverpool ayaa hal dhibic ka dambaysa kooxda Man City markii ugu horaysay tan ilaa bilowgii bishii December Waxana la is waydiinayaa in ay taasi la macno tahay in ay lumiyeen tartanka.

Klopp ayaa aaminsan in ay kooxdiisu ku dhamaysan doonto si adag oo ah sidii ay ku bilowdeen xilli ciyaareedka isaga oo sheegay in ay guul gaadhi karaan 9 kulan ee u dhiman horyaalka.

“Waa wax cajiib ah, waxa aan ku jirnaa booska aan u qalanay, aynu Isticmaalno kulamada ugu dambeeya xilli ciyaareedkan, ma ahan boos ay dad badan naga filayeen bilowgii xilli ciyaareedkan”.

“Aynu isku dayno wax walba, aynu ahaano qaar wax fiican fisha, in aanu noqono Halis waliba isticmaalono awoodeena”.

“Hadii ay jirto suurtagalnimo aanu ku badin karno dhamaan kulaamda noo hadhay waliba ku heli karno dhibco suurtagal ah waanu samayn doonaa”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here