Jurgen Klopp Oo Kashifay Wixii Uu Sadio Mane Kaga Yaabsaday Ee Uu Sameeyay Kulankii Watford

Tababaraha Kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa amaanay qaab ciyaareedka Sadio Mane kadib markii uu ka ciyaarsiiyay weerarka tooska ah isaga oo sidoo kale qirtay in uuna filayn goolashaas.

Jurgen Klopp ayaa taageerayaasha kooxdiisa kaga yaabsaday shax cusub kadib markii uu No.9 ka ciyaarsiiyay Sadio Mane kaas oo isna laba gool oo cajiib ah ugu jawaabay kalsoonida tababarihiisa.

Klopp ayaa sheegay in uu filayay in uu xiddiga reer Senegal muujiyo tayo fiican oo booska cusub ah laakiin aan marna filayn in uu yahay weeraryahan buuxa.

“Goolkii Cidhibta ahaa si fiican uma arkin, waxa la ii sheegay in uu ahaa mid cajiib ah laakiin waxa aan jeclaaday goolkii 1-aad, waxa uu u booday si dheer, waxa iska cadayd in uu naga caawin doono dhisida kubada laakiin waxa aan isaga uga baahnayn weerarka tooska ah waxana uu booskaas isaga u ahaa mid fiican”.

“Waxa aan go,aansaday in aan isaga ka ciyaarsiiyo weerarka tooska ah isla markii uu Firmino dhaawacmay, waxa uu ahaa dookha 1-aad, waxa uu igaga yaabiyay goolasha kama filayn in uu dhaliyo goolasha noocaas oo kale ah laakiin waxa aan ka filaynay in uu naga caawiyo xirfada dhaq-dhaqaaqa waliba boos u sameeyo xiddigaha kale”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here