Jurgen Klopp Oo Kashifay Sababtii Uu Mohamed Salah U Laagan Waayay Rikoodhada Kulankii Fulham

Tababaraha Kooxda Liverpool ee Jugren Klopp ayaa kashifay sababtii uu xiddiga James Milner u laagtay rikoodhadii kulankii Fulham inkasta oo uu Mohamed salah horay u laagan jiray rikoodhada kulamadii hore.

Reds ayaa guul dirqi ah ka gaadhay kooxda fulham kulan ka tirsanaa premier League todobaadkiisii 31-aad iyaga oo la wareegay hogaanka horyaalka.

Liverpool ayaa rikoodhe loo dhigay daqiiqadihii ugu dambeeyay ee ciyaarta kadib markii khalad lagu galay xiddiga Sadio Mane.

Klopp oo ka hadlaya sababtii uu James Milner u laagtay rikoodhada ayuu yidhi”Mohamed Salah waxa uu dhaliyay rikoodhayaal badan laakiin marka uu James ku jiro garoonka waxa fiican in uu isagu laagto”.

“Ma ahan in uuna Mohamed salah awood u lahayn laagashada rikoodhada laakiin Milner ayaa ku fiican rikoodhayaasha”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here