Jurgen Klopp Oo Kashifay Sababtii Ka Dambaysay Qaab Ciyaareedkii Xumaa Ee Mohamed Salah Bilowgii Xilli Ciyaareedkan

0

Tababaraha Kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa kashifay sababtii uuna Mohamed salah qaab ciyaareedka fiican u soo bandhigin bilowgii xilli ciyaareedkan.

Jurgen Klopp ayaa qirtay in uuna Mohamed salah taam ahayn bilowgii xilli ciyaareedkan kadib dhaawacii soo gaadhay finakii champions League.

Mohamed salah ayaa dhaleecayn badan la kulmay bilowgii xilli ciyaareedkan kadib markii uu qaab ciyaareed aad u liita soo bandhigay bilowgii xilli ciyaareedkan.

Salah ayaa dib u helay qaab ciyaareedkii fiicnaa isaga oo dhaliyay 14 gool oo tartamada oo dhan ah ilaa haatan xilli ciyaareedkan.

Klopp oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi” Mohamed salah waxa uu u baahnaa in uu la qabsado xaalkiisa kadib dhacdooyin kala duwan oo dhacay dhamaadkii xilli ciyaareedkii hore”.

“Bilowgii xilli ciyaareedka Qayb ka mid ah jidhka Mohamed salah ayaan taam ahayn, hadii aad xafiis ka shaqaynayso oo ayna gacantaadu fiicnayn waxa aan ku adeegsan kartaa gacanta kale waxana ay waxlbana u socon karaan si fiican”.

“Laakiin ciyaaryahanka kubada cagta waxa loo baahan yahay in uu xiddigu taam noqdo 100% hadii uu doonayo in uu qaab fiican soo bandhigo”ayuu Klopp sii raaciyay hadalkiisa.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here