Jurgen Klopp Oo Kashifay Sababta Uu Kaydka Ugu Iloobay Xiddigaha Naby Keita & Xherdan Shaqiri

Tababaraha Kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa ka hadlay sababta uuna kulamada u safin xiddigaha Naby Keita & Xherdan Shaqiri.

Klopp ayaa sheegay in uuna ka kalsooni bixin xiddigaha kaydka la saaxiibka noqday ee Naby Keita & Xherdan Shaqiri inkasta oo ayna labada xiddig wax kulan ah ku bilaaban tan ilaa January.

Shaqiri ayaan shaxda Liverpool ku bilaaban muddo 2 bilood ah halka uu Keita ciyaaray 6 daqiiqo tan ilaa bishii March.

Xiddiga reer Switzerland ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah bishii December isaga oo 2 gool dhaliyay kulankii ay Liverpool guusha ka gaadhay kooxda Man United.

Markii la waydiiyay in uuna ku kalsoonayn labada xiddig ayuu Klopp u sheegay Liverpool Echo” Maya, Waa arinta xaalada tababarkeena iyo waxa loo baahan yahay shaqsi ahaan kooxda aan la ciyaarayno waana waxa aan ka fikirno”.

“Kaliya kuma ciyaarno hal shax laakiin waxa ay wiilashu u baahan yihiin in ay kooxda wax ku soo kordhiyaan, mararka qaar waa suuragal halka ayna mararka qaar suurtagal u ahayn sabab kale”.

“Mararka qaar ma qaadano tababar gaaban kadib way adagtahay in ay wax kooxda ku soo daraan waana kaliya qayb ka mid ah go,aan qaadashada”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here