Jurgen Klopp Oo Kashifay Qorshaha Uu U Dagsaday Eden Hazard Si Uu U Joojiyo

Tababaraha Kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa shaaca ka qaaday qorshaha uu u dagsaday si uu u joojiyo xiddiga garabka weerarka uga ciyaara kooxda chelsea ee Eden Hazard kulanka Axda ka dhici doona Anfield ee ka tirsan horyaalka premier League.

Jurgen Klopp ayaa xiddigaha kooxdiisa u sheegay in ay Eden Hazard u diidaan in uu kubad badan helo hadii ay doonayaan in ay xiddiga reer Belguim joojiyaan inta uu socdo kulanka Axadu.

Xiddiga reer Belguim ayaa dib u helay qaab ciyaareedkiisii cajiibka ahaa todobaadyadii ugu dambeeyay isaga oo 4 gool dhaliyay kulamadii Brighton iyo West Ham taas oo chelsea ku soo celisay tartanka loogu jiro u soo bixista champions League xilli ciyaareedka dambe.

Kooxda Maurizio Sarri ayaa Axada booqan doonta Anfield iyaga oo ku rajo weyn in ay Liverpool mar kale ka dilaan rajada ku guulaysiga horyaalka premier League.

“Waxa aan markan ku ciyaari doonaa 13 xiddig, 2 ka mid ah waxa ay la ciyaari doonaan kaliya Eden Hazard”ayuu Jurgen Klopp ku kaftamay markii la waydiiyay qaabka uu u joojin doono Hazard.

“Waa in aanu hubino in uuna soo bandhigin qaab ciyaareed fiican, waa in aan ka joojino kubada badan, waa in aanu ka fal celino wixi uu ku sameeyay kooxaha kale”.

“Marka uu kubada heli waa wakhti dambe, ma difaacan kartid hadii uu xiddig kaliya helo isaga oo kubada haysta”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here