Jurgen Klopp Oo Kashifay Qaabkii Ay Xiddigaha Liverpool U Qorsheeyeen Goolkii 1-aad Ee Ay Ka Dhaliyeen Cardiff City

0

Kooxda Liverpool ayaa guul adag kala soo laabatay Wales kulankii ay la ciyaarayeen kooxda Cardiff City kana tirsanaa todobaadkii 35-aad ee horyaalka premier League.

Liverpool ayaa mar kale hogaaka u qabatay horyalka premier League kadib guushii ay ka gaadheen Cardiff iyaga oo 2 dhibcood ka horeeya kooxda Man City.

Tababare Jurgen Klopp ayaa sheegay qaabkii ay xiddigaha kooxdiisu u qorsheeheen goolkii 1-aad ee ay ka dhaliyeen kooxda Cardiff intii lagu jiray qolka Nasashada qaybtii hore.

“Goolkii hore waxa uu yimid kadib heshiis ay xiddigaha kooxdu ku galeen qolka Labiska waxana ay ku heshiiyeen in ayna karoosin laakiin ay dhigaan baaskii uu goolku ka dhashay waanan la yaabay waxa ay sameeyeen”.

“Waxa ay go,aansadeen in ay sidaas u dhigaan kubada Kadib Wijnaldum ayaa gool ka dhaliyay waxana furantay ciyaaraha waxana uu ahaa gool cajiib ah”.

“Waan la yaabay waxa ay sameeyeen arintaas ma dhacdo inta badan taas oo cajiib ka dhigaysa”ayuu Klopp u sheegay wargayska Mirror”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here