Jurgen Klopp Oo Ka Warbixiyay Xaalada Dhaawac Ee Dejan Lovren Kadib Markii Uu Ka Baxay Kulankii Wolves

0

Tababaraha Kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa ka warbixiyay dhaawaca soo gaadhay daafaciisa Dejan Lovren kulankii FA Cup-ka.

Klopp ayaa qirtay in uu wajahayo madax xanuun dhanka daafaca ah kadib markii Lovren dhaawac uga baxay kulankii Wolves ee FA Cup-ka.

Waxa ay ahayd guuldaradii 2-aad oo xiriir ah oo soo gaadha Liverpool kadib markii ay premier league guuldaro kala kulmeen.

Jurgen Klopp ayaa ku qasabanaaday in uu badal sameeyai daqiiqadii 6-aad kadib markii uu Lovren soo gaadhay dhaawac muruqa ah.

Taas ayaa la macno ah in ay Liverpool kaliya haysato hal daafac oo taam ah kaas oo ah Virgil Van Dijk kaas oo la nasiyay kulanka.

“Dejan kuma jirin qorshaha in uu ciyaaro, waxa ay ahayd in uu kaydka fadhiyo”ayuu Klopp.

“Kadib waxa dhacay wixii dhacay, taasna nama caawinayso”.

“Waxa uu ahaa dhaawac muruq ah oo aan Astaan hore lahayn”.

“Waxa aan doonayaa in aan ogaado inta uu maqnaan doono laakiin ma i rumaysan kartaa in aanan ogayn haatan”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here