Jurgen Klopp Oo Ka Warbixiyay Dhaawacii Soo Gaadhay Naby Keita Kulankii Wolves

Tababaraha Kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa ka warbixiyay xaalada dhaawaca soo gaadhay xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxdiisa ee Naby Kieta kaas oo dhaawac uga baxay kulankii ay Reds guusha ka gaadhay Wolves.

Jurgen Klopp ayaa ku kalsoon in dhaawacii soo gaadhay Naby Keita kulankii Ay Liverpool uga 2/0 ka gaadhay Wolves in uuna ahayn mid halis ah.

Keita oo ku soo biiray Liverpool suuqii xagaaga ayaa daqiiqadii 58-aad dhaawac uga baxay kadib markii uu loolan kala kulmay xiddig wolves ah.

Xiddiga ayaa la siiyay dawayn ka hor intii uuna ka bixin garoonka isaga oo u muuqday mid ka cabanaya dhabarka.

Laakiin Klopp ayaa sheegay in uuna jirin wax laga wal-walo kuna saabsan dhaawaca Naby Kieta kadib markii ay ciyaartu dhamaatay.

“Waxa uu xanuun ka dareemay feedhaha ma ahayn dhaawac halis ah waxana uu noqon doonaa mid fiican”.

“Waxa uu Dareemay xanuun xun laakiin uma malaynayo in uu dhibaato ku noqon doono”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here