Jurgen Klopp Oo Ka Warbixiyay Dhaawaca Soo Gaadhay Roberto Firmino, Miyuu Ciyaari Karaa Watford

Tababaraha Kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa ka warbixiyay xaalada dhaawac ee xiddiga weerarka uga ciyaara kooxdiisa ee Roberto Firmino.

Roberto Firmino ayaa dhaawac kuraanta ah uga baxay kulankii ay Liverpool bar-baraha la gashay kooxda Man United kulan ka tirsanaa horyaalka premier League.

Xiddiga ayaa ciyaartaas kadib la arkay isaga oo biro ku boodaya markii uu ka tagay garoonka Old Trafford kadib dhamaadkii ciyaarta.

Laakiin Klopp ayaa war fiican u sheegay taageerayaasha kooxdiisa isaga oo sheegay in uuna Roberto Firmino dhaawac xoogan soo gaadhin.

Isaga oo ka hadlaya shirka ka horeeya kulanka Watford ayuu yidhi”Roberto Firmino waxa uu u muuqdaa mid fiican, waan nasiib fiicanahay, ma ahan dhaawacu sidii aan markii hore ka cabsi qabnay”.

“Waxa laga yaabaa in uu mari ciyaaro laakiin waxa uu fursad weyn haystaa kulanka Axada ee Everton”.

“Sababta oo ah waa Roberto Firmino waxa uu fursad u haystaa in uu bari ka hor tago Watford laakiin waxa uu si buuxda taam ugu noqon doontaa Derby-ga”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here