Jurgen Klopp Oo Ka Hadlay Qorshihiisa Suuqa January Kadib Dhaawacii Dejan Lovren, Miyuu U Dhaqaaqi Doonaa Daafac Cusub?

Tababaraha kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa ka hadlay qorshihiisa suuqa kala iibsiga January kadib dhaawacii soo gaadhay daafaca Dejan Lovren.

Lovren ayuu dhaawac muruqa ah kas soo gaadhay Kulankii Wolves ee FA Cup-ka waxana ay u badan tahay in uu garoomada ka maqnaan doono muddo dheer.

Taas ayaa la macno ah in ay Liverpool haysato kaliya hal daafac oo dhexe oo taam ah kaas oo ah Virgil Van Dijk kaas oo la nasiyay kulankii Wolves.

Kadib ciyaartii xalay ayaa Jurgen Klopp la waydiiyay in uu suuqa u gali doono daafac cusub si uu ugu xaliyo dhibaatada dhaawac ee daafaciisa.

“Miyaad suuqa u Isctimaali kartaa si xaad xal ugu hesho muddo 2 todobaad ah?, Run ahaantii way adagtahay”ayuu klopp ku jawaabay.

“Wax xal ah uma arko in aan 2 todobaad suuqa u galo ilaa ay wax iska badalaan xaaalada”ayuu sii raaciyay.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here