Jurgen Klopp Oo Ka Hadlay Dhaawacii Soo Gaadhay Roberto Firmino

0

Tababaraha Kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa ka hadlay dhaawaca soo gaadhay xiddiga weerarka uga ciyaara kooxdiisa ee Roberto Firmino Kulankii ay bar-baraha ku kala bexeen man United.

Kooxaha Man United iyo Liverpool ayaa bar-baro goolal la,aan ah ku heshiiyay kulan ka dhacay Old Trafford kana torsanaa horyaalka premier League.

Roberto Finimo ayaa ka baxay ciyaarta daqiiqadii 31-aad ee qaybtii hore kadib markii uu sii wadan kari waayay ciyaarta.

Klopp oo la hadlaya Liverpool Echo ayaa yidho” Firmino waxa uu ka cabanayaa dhaawac ka soo gaadhay kuraanta, waxa uu ii sheegay in uu wadan karo ciyaarta laakiin wuu awoodi waayay”.

“Ilaa haatan ma garanayo dhaawacu inta uu leegayahy laakiin waa in aan baadhitaan ku samayno”.

Dhanka kale wargaysa Liverpool Echo ayaa sheegay in uu Firmino garoonak Old Trafford kaga baxay isaga oo ku boodaya biro.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here