Jurgen Klopp Oo Iska Diiday In Uu Tababare U Noqdo Real Madrid

Real Madrid ayaa raadinaysa tababare cusub kadib markii ay soo qaadatay xilli ciyaareed niyad jab leh oo ay kaga hadheen dhamaan tartamada xilli ciyaareedkan.

Jurgen Klopp ayaan wax niyad ah u hayn in uu isaga tago kooxda Liverpool isaga oo iska diidi doona dalab kasta oo uga yimaada Real Madrid sida ay sheegayaan wararku.

Real Madrid ayaa ka hadhay tartanka champions League oo ay 3 sano oo xiriir ah ku guulaysteen kadib markii ay guuldaro 4/1 ah kala kulantay kooxda Ajax.

Guuldaradaas ayaa keentay in Real Madrid lala xiriiriyo tababarayaal badan oo uu ka mid yahay tababaraha Liverpool ee Jurgen Klopp.

Laakiin Wargayska Daily Telegraph ayaa sheegaya in uu Jurgen Klopp iska diiday Real Madrid si uu u sii joogo kooxda Liverpool.

Tababare Jurgen Klopp ayaa koxda Liverpool kula jira heshiis ilaa 2022 ah wax niyad ahna uma hayo in uu isaga tago Liverpool xagaagan.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here