Jurgen Klopp Oo Haatanba Banaanka Soo Dhigay Qorshihiisa Suuqa Xagaaga

0

Tababaraha Kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa haatanba ka hadlay qorshihiisa suuqa kala iibsiga xagaagan ee kadib dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Jurgen Klopp ayaa sheegay in uuna lacag badan galin doonin suuqa xagaaga marka uu dhamaado xilli ciyaareedkan.

“Ma Doonayo in aan ka hadlo waxa aan qaban doono laakiin uma malaynayo in ay kooxdan u baahantahay wakhti xaadirkan in aan lacag badan galino suuqa”ayuu Klopp yidhi.

“Qaabka ugu fiican ayaa ah in aan isku keenay xiddigo kuwaas oo aan isku dayi doono in aan horumarino waliba isla jooga muddo dheer”.

“Dhibaatada Liverpool haysatay 10-kii sano ee ugu dambaysay ayaa ah marka ay helaan koox xiddigo ah oo fiican xilli ciyaareed kadib in ay kala tagi jireen kooxo cusub taasi ma dhici doonto sanadkan, shaki la,aan”.

Liverpool ayaa si xoogan u gashay suuqa xagaagii iyada oo la soo saxiixatay 4 xiddig waliba lacag badan ka bixisay.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here