Jurgen Klopp Oo Fariin Diray Luis Suarez & Philippe Coutinho Ka Hor Semi-Finalka Liverpool Vs Barcelona

0

Kooxd Liverpool ayaa ka hor iman doonta xiddigohoodii hore ee Luis Suarez & Philippe Coutinho Semi-finalka tartanka champions League xilli ciyaareedkan.

Reds ayaa xaqiiqsatay booskeeda Semi-finalka tartanka champions League kadib markii ay 4/1 ku garaacday kooxda Fc Porto kulan ay 6/1 ku badisay marka la isku daro labada lugood.

Waxa ay wajihi doonaan Barcelona kulan adag oo xiiso leh kadib markii ay kooxda reer Spain iska xaadirisay Semi-finalka kadib markii ay Garaaceen kooxda Man United.

Xiddigaha Kooxd Luis Suarez & Philippe Coutinho ayaan wali kulan Rasmi ah ka hor tagin Liverpool tan ilaa markii ay ka tageen kooxda kuna biireen Barcelona.

Coutinho ayaa 142 milyan oo euro ugu biiray Barcelona suuqii January ee 2018 halka uu Suarez ka tagay Liverpool xagaagii 2014.

Labada xiddig ayay u badantahay in ay ku soo bilowdaan labada lugood hadii ayna wax dhaawacyo ah soo gaadhin Jurgen Klopp ayaana wax laga waydiiyay ka hor tagista labadii xiddig ee hore ee Liverpool.

“Runta Marka aan ka hadlo Waxa kaliya ee aan haatan ka fikirayo ayaa ah Kulanka Cardiff ee Axada”ayuu Tababaraha Reds Yidhi.

“Labadaas xiddig kulanku waxa uu u noqon doonaa mid khaas ah sababta oo ah waa laba halyeey oo Liverpool ah”.

“Kulanka Barcelona iyo Liverpool waxa uu noqon doonaa mid cajiib ah, haatan aanu isku dayno in aanu qabano waxa ugu fiican kadib aan eegno waxa dhaca”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here