Jurgen Klopp Oo Digniin U Diray Kooxahaa Champions League Kadib Guushii Bayern Munich

0

Tababaraha Kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa amaanay habeenkii taariikhiga ahaa ee Liverpool isaga oo sheegay in ay Reds ku soo laabatay kooxaha ugu waaweyn yurub.

Jurgen Klopp ayaa sheegay sheegay in guushii cajiibka ahayd ee ay Kooxdiisu ka gaadhay Bayern Munich ay dib ugu soo ceisay booskii ay kaga jirtay kooxaha ugu waaweyn yurub.

“Run ahaantii waan faraxsanahay, qaybtii dambe ee cajiibka ahayd, sidii qaan kaadhka ahayd ee aan u ciyaarnay, sidii aan u ciyaarnay kubada cagta, Bayern waxa ay leedahay tayo cajiib ah waxa aanu u muujinay awoodeena”.

“In aanu dhalino 3 gool waa wax cajiib ah waliba talaabo weyn oo aan qaadnay, waxa aan eegi doonaa waxa aan qaban karno”.

“Waxa aanu caawa samaynay calaamad Liverpool ah waxa aan ku soo laabanayo booska ugu sareeya ee kooxaha ugu waaweyn yurub”.

“Taas ayaa iga dhigaysa mid aad u faraxsan, waxan u malaynayaa in ay kooxdan u qalanto aqoonsi waana wax fiican waxana aan sii wadi doonaa barashada laakiin waan soo laabanay”.

“Waan soo laabanay – ma jiro shaki in aanu soo laabanay mar kale”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here