Jurgen Klopp Oo Damacsan Qorshe La Yaab Leh Si Uu Ugu Xaliyo Dhibaatada Daafaca

0

Kooxda Liverpool ayaa ku jirat wakhti adag oo dhibaato daafac hadheeyeen kooxda kadib dhaawacii ugu dambeeyay ee Dejan Lovren.

Xiddiga reer Croatia ayaa Liiska dhaawacyada daafaca Liverpool kula biiray xiddigaha Joe Gomez iyo Joel Matip oo horay u sii dhaawacnaa.

Laakiin Wargayska Daily Telegraph Ayaa shaaca ka qaaday qorshe la yaab leh oo uu Jurgen Klopp ku xalin doono daafaciisa isaga oo aan suuqa u galin daafac cusub.

Wargayska ayaa sheegaya in uu Jurgen Klopp damacsan yahay in uu daafaca dhexe ka ciyaarsiiyo xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda ee Jordan Henderson.

Jordan Henderson oo ah kabtanka kooxda Liverpool ayaa la sheegayaa in uu tababaruhu ka ciyaarsiin doono daafaca dhexe inta ay ka soo kacayaan xiddigaha daafaca ah ee dhaawaca uga maqan.

Wargayska ayaa intaas ku daraya in uu Klopp arintaas tijaabin doono kulanka ay Liverpool la ciyaari doonto kooxda Brighton sabtida dambe.

Sidoo kale Klopp ayaa kulankii Wolves ee FA Cup-ka daafaca dhexe ka ciyaarsiiyay xiddiga reer Brazil ee Fabinho kaas oo isna ah dookh kale oo uu Jurgen Klopp haysto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here