Jurgen Klopp Oo Balan Qaad U Sameeyay Taageerayaasha Kooxdiisa, Champions League & Horyaalka Ayuu Ku Saabsan Yahay

Tababaraha Kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa ku kalsoon in ay Liverpool u tartami karto premier League iyo Champions League xilli ciyaareedkan.

Tababaraha Reds ayaa sheegay in ay leeyihiin tayada ay ugu tartami karaan labada iyaga oo bilaaban doona bil u weyn kulanka caawa ee west Ham.

Liverpool ayaa wajihi doonta kooxaha Bournemouth, Watford premier League iyo Bayern Munich oo ay la ciyaari doonaan tartanka champions League.

“Waan isku dayi doonaa shaki la,aan waana wixii aan isku daynay sanadkii hore”ayuu Klopp yidhi.

“Waxa jira muran sanadkan jira oo ay dadku sheegayaan in aanu diirada saarno kaliya horyaalka”.

“Laakiin wali waxa aan ku jirnaa tartanka champions League oo aan la ciyaari doono koox adag”.

“Waxa aan qaban doonaa wax walba oo aan awoodno si aan ugu guulaysano labada koob xilli ciyaareedkan”.ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here