Jurgen Klopp Oo Arin La Yaab Leh U Sababaeeyay Bar-Barihii Ay Kooxdiisu Gashay, Ilaa Adiga Ayaa Yaabaya

Tababaraha Kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa arin la yaab leh u sababeeyay in ayna kooxdiisu guul ka gaadhin Everton kulankii Xalay ee Premier League.

Kooxda Everton ayaa bar-baro ku qabatay Liverpool kulan ay Reds Khasaarisay hogaanka horyaalka premier League.

Mohamed Salah oo ku jira wakhtigii ugu xumaa intii uu joogay Liverpool ayaa laba fursadood oo cadaan ah ka khasaariyay kooxdiisa.

Kadib ciyaarta tababare Jurgen Klopp ayaa faraxaad la yaab leh ka bixiyay qaab ciyaareedkii iyo Natiijadii niyad jabka lahayd.

“Waxa uu ahaa kulan aad u adag sababo kala duwan dartood”ayuu u sheegay Sky Sport.

“Waan ogahay in ayna dadku jeclaan doonin marka aan sheego laakiin Dabaysha ayaa sabab u ahayd bar-baraha waxa ay ka imanaysay dhan walba oo garoonka ah waxana ay dhacday xaalado badan”.

“Namay caawin arintaas gaar ahaan marka ay kubadu joogto Hawada taas oo sabab u ahayd bar-baraha”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here