Jurgen Klopp: Mohamed Salah Wuu Ka Raagay In Uu Dhaliyo 50 Gool Oo Premier League Ah Aniga Ayaana Sabab U Ah.

0

Xiddiga kooxda Liverpool ee Mohamed salah ayaa dhaliyay goolkiisii 50-aad ee horyaalka premier League kadib 72 kulan oo uu ciyaaray laakiin Jurgen Klopp ayaa aamisan in uu Mohamed salah ka raagay in uu gaadho rikoodhkaas.

Tababaraha Liverpool ayaa aaminsan in uu salah ka raagay in uu gaadho rikoodhkaas inkasta oo uu yahay xiddigii 4-aad ee ugu deg-dega badan ee gaadhay.

Klopp ayaa kadib qirtay in uu sabab u yahay in uu Mohamed salah ka raago in uu dhaliyo goolkiisii 50-aad ee premier League.

“Waa rikoodh cajiib ah oo uu dhigay xiddig heer caalami ah, tirada goolashu waa qaar cajiib ah marka loo eego in uu horyaalku yahay mid aad u adag”Ayuu yidhi Klopp.

“Mohamed Salah ayaa rikoodhkaas ku gaadhi karay si ka deg-deg badan laakiin aniga ayaana sabab u ah maxaa yeelay aniga ayaa ka ciyaarsiin jiray garabka midig waana khalad aan anigu galay, sababtna u ah in uuna wakhti hore gaadhin rikoodhkaas”.

“Hadana Salah ayaa si weyn nooga caawiyay garabka midig iyo waliba marka uu ka ciyaarayo weerarka sababta oo ah mar walba waxa uu leeyahay rabitaan ah in uu dhaliyo goolal”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here