Juan Mata & Romelu Lukaku Oo Man United Ku Hogaamiyay Guul Ay Ka Gaadheen Reading Xilli Man United U Gudubtay Wareega Xiga Ee FA Cup-ka

0

Kooxda Man United ayaa guul ay u qalantay ka gaadhay kooxda Reading kulan ka dhacay Old Trafford Iskana xaadirisay wareega xiga ee tartanka FA Cup-ka.

Kulanka ayuu Tababare Ole Gunnar Solskjaer ku soo galay shax uu 9 is badal ku sameeyay kuna bilaabay xiddigaha aan kulamada badan u ciyaarin kooxda wakhtigii ugu dambeeyay.

Weerarka ayay hogaaminayeen xiddigaha Sanchez, Mata iyo Lukaku kuwaas oo isha ku hayay in ay isku muujiyaan tababarohooda

Kooxda Man United ayaa si dar-dar leh ku bilaabatay ciyaarta iyaga oo qaadayay weeraro sidoo kale waliba maamulayay kulanka.

Dhanka kale Reading ayaa qaadaysay weeraro halis ah laakiin weeraradaas ayaa ahaa hal bacaad lagu lisay kana midho dhalin waayay.

Daqiiqadii 22-aad ayay Man United dhalisay goolka 1-aad iyaga oo uu rikoodhe u dhaliyay xiddiga Juan Mata kadib markii caawiyaha VAR u dhigtay rikoodhe.

Reading ayaa halkeedii kasii waday in ay Man United ka dhaliso goolka bar-baraha laakiin ayna kubadoodu dhaafayn daafaca Man United.

Dhanka kale Man United ayaa si cajiib ah ugu raaxaysanaysay kulanka iyaga oo raadinayay in ay sii dheeraystaan natiijada kulanka.

Daqiiqadii 45-aad ayay Man United dhalisay goolka 2-aad ee ciyaarta iyaga oo uu Romelu Lukaku si cajiib ah goolhayaha ugu jaray kadib kubada u dhex dhigay shabaqa.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta oo ay Man United si raaxo leh ku hogaaminayso Natiijada ciayaarta.

Qaybtii dambe ayay Kooxda Reading ahayd koox ka fursado badan kooxda Man United iyaga oo dhawr jeer sigay shabaqa uu ilaalinayay goolhaye Romero.

Laakiin Fursadahaas ayaan wax gool ah loo badalin xilli ay United dhankeeda heshay fursado laakiin aanay u badalin wax goolal ah.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Man United sidaas ku gaadhay guul ay u qalantay iskana xaadirisay wareega 4-aad ee tartanka FA Cup-ka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here