Juan Mata Oo Iska Diiday Dalabkii Cusbaa Ee Man United, Sababta & Kooxda Uu Doonayo In Uu Xor Ugu Biiro.

0

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Man United ee Juan Mata ayaa iska diiday dalabkii cusbaa ee ugu dambeeyay ee ay u soo bandhigtay kooxdiisu xilli uu xiiso ka helayo kooxda Arsenal.

Xiddigii hore ee kooxda chelsea ayaa door muhiim ah ka ciyaaray Man United intii uu joogay jose Mourinho laakiin kaliya 3 kulan ku bilowday shaxda United tan ilaa markii uu Solskjaer la wareegay shaqada kooxda.

Inkasta oo uuna joogto ugu ciyaarin hadan wargayska Telegraph ayaa sheegaya in ay Man United dalab cusub oo hal sano ah u soo bandhigtay Jaun Mata.

Laakiin xiddiga ayaan ku farxin dalabka ay Man United u soo bandhigtay ee hal sano ah isaga oo doonaya dalab ka badan intaas.

Sidaas darteed Mata ayaa lagu soo waramayaa in uu diiday dalabkii cusbaa ee ay Man United u soo bandhigtay isaga oo doonaya in uu Arsenal kula Biiro Unai Emery oo uu kala soo shaqeeyay wakhtigiisii Spain.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here