Juan Mata Oo Isco Siiyay Xal Uu Kaga Boxo Dhibaatada Ku Haysata Real Madrid Xilli Ciyaareedkan

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Man United ee Juan Mata ayaa xiddiga ay isku xulka Yihiin ee Isco siiyay xal sixir ah oo uu kaga bixi karo dhibaatada uu ku jiro xilli ciyaareedkan.

Isco ayaa si weyn ugu dhibaatoonaya xilli ciyaareedkan kooxdiisa Real Madrid isaga oo aan joogto ugu ciyaarin kulamada kooxda.

Inkasta oo uu ka mid yahay xiddigaha ugu muhiimsan hadana Santiago Solari ayaa iska indha tira xiddiga reer Spain isaga oo ku qudhmay kaydka.

Juna Mata oo la hadlaya Elbernabeu ayaa yidhi” Aad ayaan u qadariyaa Isco, waxa aan kula kulmay Valencia waxana aan arkay dhamaan tayadiisa”.

“Waxa kaliya ee uu qaban karo ayaa ah in uu sii wado shaqada adag oo uuna naftiisa ka kalsooni bixin iyo waliba in uu ka faa,iidaysto fursadaha soo mara”.

“Shaki la,aan Isco ayaa leh tayo cajiib ah, waxa aan u dirayaa salaan weyn waxana aan ku kalsoonahay in ay arimuhu fiicnaan doonaan”.

Fariintan ayaa isku u ah dhiiri galin xilli uu haatan ku jiro wakhti adag oo uu u dadaalayo in uu dib u soo helo qaab ciyaareedkiisii fiicnaa”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here