Jose Mourinho Oo Tilmaamay Hal Arin Oo Uu Kylian Mbappe Uga Fiican Yahay Ronaldo & Messi

Tababarihii hore ee kooxda Man United Jose Mourinho ayaa tilmaamay hal arin oo uu xiddiga Kooxda PSG ee Kylian Mbappe kaga fiican yahay xiddigaha Cristiano Ronaldo iyo Lional Messi.

Jose Mourinho ayaa Kylian Mbappe ku tilmaamay xiddiga ugu qiimaha badan kubada cagta wakhti xaadirkan marka laga hadlayo suuqa kala iibsiga.

Tababaraha reer Portugal ayaa sheegay in uu Xiddiga reer France kaga fiican yahay xiddigaha Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi dhanka da,diisa aadka u yar.

“Marka aan ka hadlayno mustaqbalka, waa in aan ka hadalno waxa uu noqon karo 5 sano kadib ama 10 sano kadib”ayuu Mourinho u sheegay beIN Sports.

“Bal eeg Maanta waa xiddig cajiib ah”

“Marka laga hadlayo heerka dhaqaalaha, da,da ayaa muhiim ah waxana aan u malaynayaa in uu Mbappe wakhti xaadirkan yahay midka ugu qaalisan suuqa kala iibsiga”.

Mbappe ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku jira xilli ciyaareedkan isaga oo dhaliyay goolal badan kooxdiisana ka caawiyay in ay si raaxo leh ku hogaamiso horyaalka France.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here