Jose Mourinho Oo Soo Bandhigay Ciyaartoyga Kubbada Cagta Aduunka Loogu Xaqiraada Badan Yahay Ee Aan Helin Wixii Uu U Qalmay.

Tababaraha reer Portugal ee Jose Mourinho oo hadda falanqeeye kubbada cagta ah ka ah beIN Sports ayaa soo bandhigay ciyaartoyga uu arko in aanu helin wixii uu kubbada cagta uga qalmay isla markaana uu aaminsan yahay in uu yahay ciyartoyga qiimihii uu lahaa inta ugu badan hoos loo dhigay.

Jose Mourinho ayaa aaminsan in xidiga kooxda Barcelona iyo xulka qaranka Croatia ee Ivan Rakitic uu yahay xidiga kubbada cagta aduunka oo dhan loogu xaqiraada badan yahay ee aan helin amaantii iyo macquulnimadii uu kubbada cagta ku lahaa.

Jose Mourinho ayaa dhawr arimood ku sifeeyay Ivan Rakitic wuxuuna sidoo kale Mourinho ka hadlay xaalada Barcelona iyo qaabka ay xili ciyaareedkan u soo ciyaarayeen wuxuuna ku dooday in ayna ciyaarayn kubbadii quruxda badnayd ee looga bartay balse ay koox ahaan iskugu duuban yihiin.

Ugu horayn Jose Mourinho oo qiraya in Ivan Rakitic hoos loo dhigay ayaa yidhi: “Isagu (Rakitic) waa ciyaartoyga aduunka oo dhan inta ugu badan hoos loo dhigo. Waxa fantastik ku yahay heer walba, wuu difaac daa, waxa uu magdhaw u sameeyaa Messi, wuu ordaa wuxuuan kubbada ku dareemaa lugtiisa”.

Ivan Rakitic ayaa ahaa xidigii Barcelona guusha ku soo hogaamiyay kulankii El Clasico-da ee Real Madrid laakiin waxa uu door wayn ka ciyaaraa in kooxdiisu ay awooda dhexda wax badan haysato isaga oo min bilawga ciyaarta ilaa dhamaadka orod iyo tamar badan bixiya sida uu Mourinho sheegay.

Intaa kadib Mourinho ayaa ka hadlay xaalada Barcelona wuxuuna yidhi: “Aad ayay uga adag yihiin xili ciyaareedyadii la soo dhaafay, waxay garanayaan sida loo difaacdo ee layskugu duubnaado. Inkasta oo ayna ku ciyaarayn kubbadii cagta ee quruxda badnayd ee ay soo isticmaalayeen, waxay guulaysanayaan kulamada, tani muhiim ayay u tahay la tartamida kooxaha waa wayn ee siddeed dhamaadka iyo afar dhamaadka Champions league”.

Barcelona ayaa u soo baxday finalka Copa Del Rey waxayna 7 dhibcood ku hayaan hogaanka La liga iyaga oo sidoo kale diirada saaraya in ay u soo baxaan siddeed dhamaadka Champions league marka ay Camp Nou ku soo dhawaynayaan kooxda Lyon oo barbaro gool la’aan ah hore ula soo galeen.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here