Jose Mourinho Oo Sheegay Sababta Uuna Jurgen Klopp U Ahayn Tababare Weyn

Tababarihii hore ee kooxda Man United Jose Mourinho ayaa meesha ka saaray guulaha Jurgen Klopp isaga oo sheegay in ayna Liverpool u arkin tabababare Weyn sida ay sheegayaan wararli.

Mourinho ayaa marar badan ku digtay Klopp intii uu joogay Man United laakiin guuldaradii 3/1 ahayd ee ay Liverpool ka gaadhay United bishii hore ayaa sababtay in laga caydhiyo shaqadiisa.

Tababaraha reer Portugal ayaa sidoo kale Klopp ugu digay in uu xilli ciyaareedkan u baahan yahay in uu koobab kula guulaysto Liverpool.

Laakiin sida laga soo xigtay wargayska The Times Mourinho ayaa hoos u dhigay guulaha klopp iyo tayadiisa.

Mourinho ayaa u sheegay cid kasta oo ku xidhan Liverpool in uuna Klopp ahayn tababare Weyn isaga oo soo xusay 4-tii Filan ee uu ku fashilmay intii uu joogay Borussia Dortmund iyo Liverpool.

Mourinho ayaa sidoo kale hoos u dhigay labadii horyaal ee uu kula guulaystay Dortmund isaga oo Bayern Munich ku tilmaamay qaar aan fiicnayn oo aan tartami karin markii uu ku guulaystay horyaaladaas.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here