Jose Mourinho Oo Sharaxay Sababtii Uu Mohamed Salah Ugu Fashilmay Chelsea

Tababarihii hore ee kooxda chelsea Jose Mourinho ayaa shaaca ka qaaday sababtii uu Mohamed Salah ugu fashilmay kooxda chelsea.

Jose Mourinho ayaa rumaysan in fashilkii Mohamed salah ee chelsea sabab u ahayd in uu ahaa mid kali ah oo aan waliba lahayn khibrad fiican.

Salah ayaa sanadkii 2014 ku soo biiray chelsea isaga oo 11 milyan kaga soo biiray kooxda Basel isaga oo ahaa 21 jir kuna dhibaatooday in uu boos ka helo kooxda ka hor intii aanu ku biirin Roma sanadkii 2016.

Inkasta oo uu wakhti xun ku soo qaatay chelsea hadana Salah ayaa wacdaro ka dhigaya Kooxda Liverpool tan ilaa markii uu ku soo biiray sanadkii 2017.

Jose Mourinho oo sabab u sharaxay beIN SPORTS ayaa yidhi” Awood jir ahaaneed, taam ahaansho iyo la qabsi la,aan ayaa sabab u noqotay in uu ku fashilmo kooxda chelsea marka loo eego in uu kaga soo biiray koox yar oo yurub ah”.

“Kadib waxa uu Tagay Italy isaga oo khibrad fiican ku soo qaatay Fiorentia iyo Roma waxana uu ku soo laabtay England isaga oo la soo qabsaday heerka sare iyo kubada jirka ah ee yurub iyo kooxaha waaweyn”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here