Jose Mourinho Oo Shaqo Ka Caydhintii Man United Ku Eedeeyay Laba Halyeey Oo Man United Ah

Tababarihii hore ee kooxda Man United ee Jose Mourinho ayaa shaqo ka caydhinta Kooxda Man United ku eedaynaya laba ka mid ah halyeeyada kooxda Man United.

Jose Mourinho ayaa aaminsan in halyeeyada Rio Ferdinad iyo Paul Scholes sabab u yihiin in laga caydhiyo shaqada tababaranimo ee kooxda Man United.

Tababaraha reer Portugal ayaa laga caydhiyay shaqada Old Trafford salaasadii hore kadib markii ay kooxdu ku bilaabatay xilli ciuaareed aad u liita xilli ciyaareedkan.

Mourinho ayaa la yaabay go,aanka maamulka kooxda isaga oo dareensan in ay ahayd in la siiyo wakhti fiican si uu u xaliyo dhibaatada kadib markii ay maamulka kooxdu suuqa uga keeni waayeen xiddigihii uu doonayay.

55 jirka ayaa dareesan in hadaladii xumaa ee halyeeyada Ferdinand iyo Scholes ay jawi xun ku abuureen Old Trafford taas oo sabab u noqotay in uu waayo shaqada kooxda.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here