Jose Mourinho Oo Ku Digtay Ole Gunnar Solskjaer & Lionel Messi Oo Sabab U Ah

0

Tababarihii hore ee kooxda Man United Jose Mourinho ayaa ku digtay tababarihii shaqada ka badalay ee Ole Gunnar Solskjaer kadib guuldaradii Man United ka soo gaadhay kooxda Barcelona kulan ka tirsanaa lugta 2-aad ee 8 dhamaadka champions league oo ku dhamaatay 3/0.

Messi iyo Coutinho ayaa saddexda gool ka dhaliyay Man United kadib markii ay lugtii hore 1/0 kaga soo adkaadeen sidaasna uga reebay tartanka champions league xilli ciyaareedkan.

Mourinho oo weerar ku qaaday Solskjaer ayaa u sheegay Wargayska Mirror” Khaladaas badan, Goolal badan, Daafac aad u xun.. waxan u malaynayaa in uu qaab ciyaareedkii United ee lugtii dambe ka duwanaa midkii lugtii dambe, Waxan u malaynayaa lugtii hore in ay isku dayeen in ay maamulaan khadka dhexe si ay u joojiyaan Messi oo ay fududahay in la fahmo laakiin ayna fududayn in la joojiyo, waxa uu marar kaaga imanayaa garabka midig kadib khadka dhexe kadib garabka bixi wayna adagtahay in la joojiyo”.

“Kulankii Lugtii hore Man United waxa ay maamushay booska khadka dhexe sidaas darteed marka uu Messi khadka dhexe soo galo waxa hor istaagayay xiddigaha Fred iyo McTominay, inkasta oo ay guuldaro 1/0 ah la kulmeen hadana waxa ay isku dayeen in ay ciyaarta ku jiraan”.

“Laakiin Lugtii dambe Pogba waxa uu ku jiray khadka dhexe ee bidix, McTominay waxa uu ku jiray khadka dhexe ee midig, Jesse Lingard waxa uu ka ciyaarayay No.10 ee weerarka ka dambeeya, khadka dhexe ee daafaca waxa kaliya joogay Fred sidaas darteed booskaas ayaa ah meeshii uu Messi ka helayay kubada, hadii uu Messi hal xiddig kubad ku helana waad dhimatay, sidaas darteed imay cajabin in Messi lagu daayo kaliya Fred waxa ay ahayd in ay si aad ah u ilaaliyaan”.

Mourinho ayaa hadalkiisa ku soo xidgay” Barcelona waa Barcelona, waa koox ka fiican Man United, waxa ay ahaystaan xiddigo ka fiican kuwa Man United waxana iska caadi ahayd in ay guul ka gaadhaan kulankaas”.

Waxa xusid mudan in ay Barcelona la ciyaari doonto Semi-finalka kooxda Liverpool kulan kooxda badisa ay si toos ah u gaadhi doonto finalka tartanka champions League xilli ciyaareedkan.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here