Jose Mourinho Oo Kashifay Xiddig Man United Ah Oo Hal Arin Ka Baryi Jiray

Tababarihii hore ee kooxda Man United ee Jose Mourinho Ayaa mar kale dhaleeceeyay xiddigaha wakhi xaadirkan ciyaara kubada cagta isaga oo sidoo kale sheegay wax ay xiddigaha Man United ka baryi jireen markii uu tababaraha u ahaa United.

Mourinho ayaa laga caydhiyay shaqada Man United bartamihii bisha December kadib markii uu xiddigo badan oo kooxda ah dagaal la galay oo ay ugu horeeyaan xiddigaha Paul Pogba iyo Luke Shaw.

United ayaa la rumaysan yahay in ay heshiiskii ay ku kansashay in ay ku dartay shardi ka hor istaagaya in uu ka hadlo ama uu saxaafada horteeda ka dhaleeceeyo xiddigaha Man United inkasta oo uu u muuqday mid jabiyay arintaas kadib markii uu ka hadlay shaacana ka qaaday xiddig ka codsan jiray in uuna dhaleecayn saxaafada hortooda.

“Waxa jira ciyaaryahano marka aad dhaleecayso ku jawaaba qaab ciyaareed fiican sida Didier Drogba Laakiin waxa jira xiddigo kale”ayuu Mourinho u sheegay SPORTS.

“Waxa jira xiddig ii sheegay waliba si Akhlaaq ku jirto “Fadlan Marka Aad i dhaleecaynayso marka aan kaligeen nahay i dhaleecee, Waxa aan waydiiyay sabab, waxana uu ku jawaabay sababta oo ah raaxo kuma dareemayo in aad dadka hortooda igu dhaleecayso”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here