Jose Mourinho oo ka hadlay qorshihiisa tababarka ee mustaqbalka

Macalinka reer Portugal ee Jose Mourinho ayaa wuxuu shaaca ka qaaday qorshihiisa mustaqbalka, isagoo xaqiijiyay inuusan dareemeynin wax cadaadis ama caro ah sababa la xiriira inuusan haaatan macalin ahayn.

56 jirkan ayaan wali ku soo laabanin shaqada tababarka, kadib markii laga ceyriyay shaqada kooxda Manchester United sababo la xiriira natiijooyin xumi ay kooxda la kulantay.

Mourinho ayaa ka dhaqaaqay shaqada tababarka ee kooxda Manchester United kadib guuldaradii xanuunka badneyd ee kasoo gaartay Liverpool, kulan ka tirsanaa horyaalka Premier League kaasoo ku soo idlaaday 3-1.

Hadaba Mourinho oo ka hadlayay qorshihiisa mustaqbalka ayaa wuxuu yiri:

“Um dhibtoonayo la’aanta shaqada tababarka, waxaan heystaa wakhti aan ugu fikiro waxyaabo kale, lakiin waxaan doonayaa inaan dib ugu laabto xilli ciyaareedka soo socda”.

“Waxaan go’aansaday inaanan wax shaqo ah qabanin ilaa iyo bilowga xilli ciyaareedka soo socda, waana inay noqotaa kooxda aan qabanayo mid si weyn u tartami karta, isla markaana i dhiiri galin karta”.

Intaas kadib Jose Mourinho ayaa wuxuu ka hadlay wararka lala xiriirinayo inuu noqon doono badalka tababare Fernando Santos ee xulka qaranka Portugal wuxuuna yiri:

“Ha ka wal-walin, Fernando Santos, ma xiiseynayo haatan ama wakhtiga soo socda, waxaan nahay saaxiibo isku fiican”.

“Laakiin waa waxaan jeclahay inaan sameeyo kahor dhamaadka xirfadeyda, laakiin maadaama ay fogtahay haatan dhamaadka xirfadeyda ma ahan wax haatan dhici doono, waxaana arki doonaa hadii ay fursada imaan doonto iyo hadii kale”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here