Jose Mourinho Oo Durba Helay Dalab Uu Ugu Soo Laaban Doono Shaqada Tababaranimo, Kooxdee Ayaa Doonaysa?

0

Tababarihii hore ee Man United Jose Mourinho ayaa durba helay dalabkii ugu horeeyay ee uu ugu soo laaban lahaa shaqada tababaranimo todobaadyo kadib markii laga caydhiyay shaqada Man United.

Jose Mourinho ayaa dalab uu shaqada ugu soo laabanayo ka helay kooxda reer Portugal ee Benfica kadib markii ay shaqada ka caydhiyeen tababare Rui Vitoria.

Sida laga soo xigtay wargayska Times iyo Record Benfica ayaa ka fiirsanaysa in ay shaqada u dhiibto Jose Mourinho inta ka dhiman xilli ciyaareedkan si uu kooxda u caawiyo.

Benfica ayaa ah kooxdii ugu horaysay ee uu Mourinho hogaamiyo intii u dhexaysay September iyo December 2000 isaga oo guul gaadhay 6 kulan oo ka mid ah 11 kulan oo uu hogaamiyay.

Si kasta ha ahaatee wargayska Record ayaa sheegaya in ay kooxda Benfica ku dhibaatoon doonto lacagta mushaharka ah ee u dalbanayo tababaraha reer Portugal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here