Jorginho Oo Jabiyay Rikoodh Premier Leageu Ah & Taageerayaasha Blues Oo Aan Jeclaysan

0

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda chelsea ee Jorginho ayaa jabiyay rikoodh u yaala horyaalka premier League.

Wargayska The Sun ayaa sheegaya in uu xiddiga khadka dhex jabiyay rikoodhka baaska ugu badan ee uu xiddig sameeyo xilli ciyaareed kaliya horyaalka premier League.

Laakiin xiddiga ayaan wali wax caawin ah samayn inkasta oo uu jabiyay rikoodhka baaska ugu badan ee xilli ciyaareed kaliya.

Kadib kulankii Tottenham ee Arabacadii Jorginho ayaa sameeyay 2,332 baas horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

Baasaskaas ayaa ah in ka badan 100 baas intii uu sameeyay xiddigii kooxda Swansea city ee Leon Britton xilli ciyaareedkii 2011/2012.

Si kasta ha ahaatee taageerayaasha kooxdiisa ayaan jecalaysan rikoodhka maadama uuna wali xitaa hal gool caawiye ka noqon xilli ciyaareedkan.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here