Jordi Alba Oo Mar Kale Saadaal Ka Bixiyay Mustaqbalkiisa Barcelona , Sidee Wax U Jiraan?

Garabka bidix kooxda Barcelona ee Jordi Alba ayaa dhaliyay shaki ku aadan mustaqbalkiisa kooxdaas ka dib kulankii Barcelona ee La Ligaha ee sabtidii .

Hishiiska haatan ee Alba ee Camp Nou ayaa dhamaanaya June sanadka 2020-ka isla markaana weli wax is afgarad ah ma ysan wada gaarin Barca oo ku aadan in uu kordhiyo hishiiskiisa .

Mundo Deportivo ayuu Alba ka yiri” waxaan doonayaa in aan Barca sii joogo balse go`aankaas kaligeey ma lihi , in aan erayadaas ku cel celiyana micno gooni ah ma soo kordhineyso waayo go`aanka ugu dambeeya kooxda ayaa leh”.

” Halkaan uma imaan qarash waayo dalabyo ayaan ka haystay Ingiriiska balse Barca ayaan u saxiixay waxaana u sabab ah jaceylka aan u qabay” ayuu sii raaciyay Jordi Alba

” Wadahadaladda laba waddo midkood ayay ku dhamaan doonaan balse weli waqti ayaan haysannaa oo ku aadan xilliga uu hishiiskeyga Barca dhacayo”.

Waxaa xusid mudan in Barca aysan weli hellin badalka ugu haboon ee garabkaas bidix kaasi oo kooxdaas la qabsaday labadii xilli ciyaareed ee la dhaafay , waxaana laacibkaas isha ku haya saxiixiisa kooxaha Man United iyo Juventus

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here