Jordi Alba Oo Ka Hadlay Wararka Sheegaya In Uu Barcelona La Meel Dhigay Hishiis Cusub Waliba 5 Sano Gaaraya

Laacibka kooxda Barcelona ee Jordi Alba ayaa ka hadlay wararka sheegaya in uu kooxdaas la gaaray hishiis uu ku kordhinayo qandaraaskiisa qalcadda Camp Nou .

Muddooyinkii ugu dambeeyay ayaa mustaqbalka laacibkaas waxaa hareeyay shaki badan waxaana loo badinayay in uu baxayo .

Balse wararaka shalay soo baxay waxa ay sheegeyeen in Alba uu maamulka Barca la meel dhigay in qalinka uu ku duugo hishiis gaaraya 5 sano .

Mar wax laga weuydiiyay wararkaas waxa uu Alba ku jawaabay” wararkaas waa been , wax ka jira malaha”

Isaga oo u sii waramayay Mundo Deportivo waxa uu laacibkaas yiri” ma aqaan halka warakaas ay ka imaanayaan , marka xaalka sidaas yahay waxaa dadka ku qasban yihiin in ay rumeystaan waxa aan aniga u sheegayo”.

Hishiiska haatan ee laacibka ayaa ka harsan 17 bil waxa uu garabkaas bidix waxaana laaicbkaas aad u doonayay kooxaha Man United iyo Juventus ‘

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here