Jordan Henderson Oo Si Weyn U Difaacay Mohamed Salah Kadib Dhaleecayn U Timid Xiddiga, Maxaa Lagu Haystaa?

Kabtanka Kooxda Real Madrid ee Jordan Henderson ayaa difaacay xiddiga kooxda Liverpool ee Mohamed Salah kadib markii xiddiga lagu dhaleeceeyay in uu is tuuro si uu rikoodhe u helo.

Liverpool Ayaa Sabtdii guul dirqi ah ka gaadhay kooxda Birghton kulan ka tirsanaa horyaalka premier league iyada oo uu Mohamed salah u dhaliyay gool rikoodhe ah.

Xiddiga 26 jirka ah ayaa kulankaas kadib lagu dhaleeceeyay in uu is tuuray si uu u helo rikoodhe taas oo sidoo kale lagu eedeeyay kulan hore.

Henderson oo arintaas ka halaya ayaa yidhi” Mohamed Salah waa Qof leh caqli fiican waxana uu soo bandhigay qaab fiican kulankii Brighton”.

“Mo Salah ayaa sameeya waxyaabo cajiib ah oo ay taageerayaashu ku raaxaystaan waana xiddig heer sare ah”.

“Rikoodhadii Brighton waxa ay ahayd mid sax ah mana jiro wax aan ka hadalno”.

“Waxan u malaynayaa in ay taageerayaasha Liverpool jecel yihiin Mohamed waxana uu kooxdeena ka dhigay mid adag waanan ogahay arintaas”.

“Mohamed waa qof adag mar walba oo ay dadka dhaleeceeya sii bataan waxa uu sii noqonayaa mid adag mana ahan in loo wal-walo”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here