John Aldridge Oo Jurgen Klopp U Sheegay In Uuna Shaxdiisa Mar Dambe Ku Bilaabin 2 Xiddig

Halyeeyga Kooxda Liverpool ee John Aldridge ayaa tababare Jurgen Klopp u sheegay in uu shaxdiisa ka saaro 2 xiddig kulanka Bournemouth kadib markii ay qaab ciyaareed liita soo bandhigeen kulankii West Ham.

John Aldridge ayaa u sheegay Klopp in uu shaxdiisa ka saaro xiddigaha Naby Keita iyo Adam Lallana kadib qaab ciyaareedkii liitay ee West Ham.

Reds ayaa mar kale laba dhibcood lumisay Isniintii taas oo Man City ka caawisay in ay kala wareegto hogaanka horyaalka premier League.

Keita iyo Lallana ayaa ku bilowday shaxda kadib markii ay xiddigaha Jordan Henderson iyo Gini wijnaldum dhaawac ku seegeen kulanka.

“Waan Ogahay in uu Klopp ku qasabanaaday is badalka sabab la xidhiidha dhaawacyada kooxda laakiin Adama Lallana iyo Naby Keita mar kale ma wada ciyaari karaan sababta oo ah kooxda kama caawin karaa in ay u tartamaan horyaalka”.

“Labada xiddig markii ugu horaysay ee aan arkay si fiican ugama fal celin sidaas darteed waxa ay u baahan yihiin in ayna mar kale ku bilaaban”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here