Frenkie de Jong ayaa noqday xiddigii ugu dambeeyay ee u dhashay dalka Holland ee u ciyaara kooxda Barcelona kadib markii ay saxiixiisa ku garaacday kooxaha PSG iyo Man City.
Kooxda Barcelona ayaa 75 Milyan oo euro oo lacag toos ah iyo 11 milyan oo guno ah ka soo bixisay xiddiga reer Holland.
Sidoo kale kooxda Barcelona ayaa heshiiska xiddigan ku xidhay lacag dhan 400 oo Milyan taas oo lagu bur-burin karo heshiiskiisa.
Kadib saxiixa Frenkie de Jong Barcelona iyo Ajax ayaa sii wata xiriir aad u dheer oo soo jiday tan ilaa 1974.
xiddiga Frenkie de Jong ayaa noqday xiddigii 20-aad ee ay kooxda Barcelona la soo wareegtay ee u dhashay dalka Holland.
Waxa intaas sii dheer in xiddigahaas intooda badan ay kala soo wareegtay kooxda Ajax kuwaas oo uu ka dhexeeyo xiriir fiican oo dhan suuqa kala iibsiga ah.
Hadaba Halkan Hoose Kaga Bogo 20-ka xiddig iyo sanadihii ay u soo ciyaareen kooxda Barcelona.
Ciyaaryahanka | Sanadaha |
Johan Cruyff | 1973-1978 |
Johan Neeskens | 1974-1979 |
Ronald Koeman | 1989-1995 |
Richard Witschge | 1991-1993 |
Jordi Cruyff | 1993-1996 |
Michael Reiziger | 1997-2004 |
Ruud Hesp | 1997-2000 |
Winston Bogarde | 1997-2000 |
‘Bolo’ Zenden | 1998-2001 |
Phillip Cocu | 1998-2004 |
Patrick Kluivert | 1998-2004 |
Ronald de Boer | 1999-2000 |
Frank de Boer | 1999-2000 |
Marc Overmars | 2000-2004 |
Giovanni van Bronckhorst | 2003-2007 |
Edgar Davids | 2004 |
Mark van Bommel | 2005-2006 |
Ibrahim Afellay | 2010-2014 |
Jasper Cillessen | 2016 – |