João Mário Oo Shaaca Ka Qaaday Wakhtigii Uu Cristiano Ronaldo U Sheegay Qorshihiisa Ka Tagista Real Madrid.

0

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara xulka qaranka Portugal iyo kooxda Inter Milan ee Joao Mario ayaa shaaca ka qaaday wakhtigii uu Cristiano Ronaldo u sheegay in uu isaga tagayo kooxda Real Madrid.

Joao Mario ayaa sheegay in uu Cristiano Ronaldo u sheegay xiddigaha xulka Portugal intii lagu jiray koobkii adduunka ee Russia 2018 in uu ka tagyo kooxda Real Madrid.

Portugal ayaa wareega 16-ka koobkii adduunka kaga hadhay kadib markii ay guuldaro kala kulantay Xulka Uruguay markaas oo uu Ronaldo isaga tagay Real Madrid kuna biiray Juventus.

Mario oo arintaas ka hadlaya ayaa u sheegay wargayska CalcioMercato” Cristiano Ronaldo waxa uu Intii lagu jiray koobka adduunka noo sheegay in uu ka tagayo Real Madrid kadib dhamaadka tartankaas, waxa uu ogaa in xiriirkii uu la lahaa kooxdu uu dhamaad ku dhaw yahay”.

“Waxa aan doonayay in uu Inter Milan igula biiro laakiin arinta muhiimka ah ayaa ah in uu meel walba oo uu joogo ku faraxsan yahay waxana uu muujiyay in uu awood u leeyahay meel walba oo uu ka ciyaaro”.

Ronaldo ayaa noqday xiddigii ugu qaalisanaa Taariikhda Juventus halka uu sidoo kale noqday xiddiga ugu mushaharka badan kooxda.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here