Jimmy Floyd Hasselbaink Oo Magacaabay Hal Sabab Oo Ay Chelsea Guuldaro Ugala Kulmi Doonto Man City Finalka Carabao Cup

Halyeeyga Kooxda Chelsea ee Jimmy Floyd Hasselbaink ayaa magacaabay hal sabab oo ayna Chelsea ugu guulaysan doonin tartanka Carabao cup-ka ay maanta la ciyaari doonto kooxda Man City.

Jimmy Floyd Hasselbaink ayaa sheegay in hogaamiye la,aanta garoonka dhexdiisu ay sabab u noqon doonto in ay Chelsea lumiso finalka Jimmy Floyd Hasselbaink Oo Magacaabay Hal Sabab Oo Ay Chelsea Guuldaro Ugala Kulmi Doonto Man City Finalka Carabao Cup-ka

Chelsea ayaa maalmo ka hor guuldaro weyn kala kulmay kooxda Man City iyaga oo waliba ceeb kala kulmay kadib guuldaro 6/0 ah.

“Waxa uu todobaad weyn u yahay Chelsea, waxana muhiim ah qaabka ay chelsea uga fal celiso guuldaradii Man City”ayuu Hasselbaink yidhi.

“Waxa ay wajahayaan fuulista buur dheer si ay uga badiyaan man City maanta, waxa ay sidaas sameeyeen kulan horyaalka ah bishii December waxana ay u baahan yihiin in ay qorshahaas ku laabtaan”.

“Chelsea waxa ay ahayd qaar aad u furan kulankii 6/0 ee man city sidaas darteed kulanka Wembley ka dhici doona waa in ay noqdaan qaar guul u gaajaysan”.

“Kadib markii ay guuldarad weyn kala kulmeen City kadib waxa ay guuldaro kala kulmeen United sidaas darteed lama joogo wakhti la is canaanto eedana qof kale dusha laga saaro”.

“Waxa aadka iiga wal-walinaya ayaa ah hogaamiye la,aanta kooxda haatan, waxa jooga xiddigo fiican laakiin ma arko hogaamiyo garoonka dhexdiisa ah”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here