Jesse Lingard Oo Magacaabay Xiddiga Ugu Fiican Premier League Xilli Ciyaareedkan

Xiddiga garabka weerarka uga ciyaara kooxda Man United ee Jesse Lingard aya magacaabay xiddiga ugu fiican horyaalka premier League ilaa haatan xilli ciyaareedkan.

Jesse Lingard ayaa aaminsan in xiddiga garabka weerarka uga ciyaara kooxda chelsea ee Eden Hazard yahay xiddiga ugu fiican premier League ilaa haatan xilli ciyaareedkan.

Inkasta oo ay xiddigaha Mohamed Salah, Harry Kane Iyo Pierre-Emerick Aubameyang ilaa haatan premier League ka dhaliyeen goolasha ugu badan hadana Lingard ayaan aaminsanayn awooda 3-daas xiddig.

“Waa Kuma xiddiga ugu fiican premier League ilaa haatan? shaki la,aan waa Eden Hazard”ayuu ku jawaabay kadib markii uu waraysi siiyay wargayska Mirror.

Eden Hazard ayaa ilaa haatan dhaliyay 10 gool oo premier League ah halka uu sidoo kale caawiye ka noqday 10 gool oo kale.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here