Jesse Lingard Oo Ka Warbixiyay Xaaladiisa Dhaawac Kadib Kulankii Man United

Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Man United ee Jesse Lingard ayaa ka warbixiyay xaalada dhaawac kadib markii uu dhaawac uga baxay kulankii ay Man United bar-baraha la gashay kooxda Liverpool Axadii.

Jesse Lingard ayaa hoos u dhigay wel-wel-ka laga qabo dhaawaciisii ugu dambeeyay ee soo gaadhay kulankii Axadii ay United bar-baraha la gashay Liveprool.

Tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa khamaaray xiddiga oo aan taam ahayna soo galiyay ciyaarta laakiin xiddiga ayaa 16 daqiiqo gudohood ku dhaawacmay.

Lingard ayaa laga saaray ciyaarta waxa jirtay cabsi laga qabay in uu xiddiga reer England mar kale iska dhaawacay muruqii uu ka dhaawacmay kulankii PSG 2 todobaad ka hor.

Laakiin xiddiga Man United ayaa baraha bulshada kaga warbixiyay xaaladiisa isaga oo taageerayaasha kooxdiisa u sheegay in uu soo laaban doono wakhti dhaw.

Inkasta oo ay dhaawacyo badan soo gaadheen hadana Man United ayaa Liverpool ku qabatay bar-baro goolal la,aan ah.

Natiijadaas ayaa la macno ah in ay Man United wayday kaalinta 4-aad ee loogu soo boxo champions League iyada oo 1 dhibic ka dambaysa Arsenal.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here