Jesse Lingard Oo Door Muhiim Ah Ka Qaatay Guushii Ay Arsenal Ka Gaadhay Man United, Qaab Noocee Ah?

Arsenal ayaa noqotay kooxdii ugu horaysay ee guuldaro bada Man United tartanka horyaalka premier League tan ilaa markii uu tababare Ole Gunnar Solskjaer la wareegay kooxda.

Goolhayaha Kooxda Arsenal ee Bernd Leno shaaca ka qaaday doorkii uu Jesse Lingard ka qaatay in ay Arsenal garaacdo kooxda Man United.

Leno ayaa sheegay in ay xiddigaha Arsenal ku dhiiri gashanaayeen in ay Man United garaacaan kadib digashadii Jesse Lingard ee 2 bilood ka hor markii ay Man United guusha ka gaadhay Arsenal.

Xiddiga reer England ayaa u dabaal degay gool kulan FA Cup-ka ahaa oo ay Man United ku garaaday 3/1 Arsenal isaga oo ku digtay taageerayaasha Gunners kuna hor jaasay.

Goolhaye Leno ayaa ugu jawaabay qaab ciyaareed cajiib ah isaga oo 2 fursadood oo cadaan ah ka badbaadiyay United xilli Gunners United guul ka gaadhay.

“Maskaxdaada marnaba kama saawir kartid wax sidaas oo kale ah, marka uu qof dabaal degayo ma doonaysid in aad aragtid in uu mar kale sameeyo arintaas ayaana na dhiiri galisay”.

“Dabaal degii iyo waliba digashadii Lingard ayaa dhamaan dhiiri galisay xiddigaha Arsenal si ay u garaacaan Man United waanan kaga dhabaynay ugu dambeyn”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here