Jawaabtii Qosolka Laheyd Ee Uu Bixiyay Jesse Lingard Markii La Weydiiyay Kooxda Uu Horyaalka La Doonayo – Man City Ama Liverpool

Taageerayaasha Manchester United waxa ay u tahay kala doorashada laba caddow marka ay timaado tartanka horyaalka Premier League ee xilli ciyaareedkan.

Man City ayaa xalay la wareegtay hogaanka Premier League iyadoo hal kulan ka sii hor ciyaartay kooxda ay xafiiltamayaan ee Liverpool.

Tottenham iyadana kama maqna tartanka horyaalka laakiin labada kooxood ee ugu sareysa horyaalka ayaa loo arkaa inuu tartan adag dhexmari doono ilaa iyo bisha May.

Halyeeyga United Gary Neville ayaa mar sheegay in kala doorashada labada kooxood ay xafiiltamaan ay tahay sida in lagu yiri “u door xaaskaaga midkii ay labadaan nin la seexan laheyd”.

Markaan xiddiga Man United Jesse Lingard ayaa la weydiiyay kooxda uu la jeclaan lahaa inay horyaalka ku guuleysato seddexda kooxood ee ugu sareysa horyaalka.

Isagoo ka hadlayay xaflad xayaysiin ah oo ay Premier League u sameynayeen shirkada Coca-Cola ayuu xiddiga reer England jawaab qosol leh ka bixiyay.

“Dhuunta ayaa i xanuuneysa, kama jawaabi karo su’aashaas” ayuu yiri Lingard.

Lingard ayaa door libaax leh ka qaaday dib u soo kicii United ee tan iyo markii shaqada tababare uu la wareegay Ole Gunnar Solskjaer, iyadoo Red Devils ay haatan labo dhibcood u jirto kaalinta afaraad.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here