Jamie Redknapp Oo Tilmaamay Faa,iidada Weyn Ee Ay Man City Dheertay Liverpool Uguna Guulaysan Karto Premier League.

Halyeeyga Kooxda Tottenham Ahna khabiirka Sky Sport ee Jamie Redknapp ayaa tilmaamay halka faa,iido ee weyn ee ay Man City dheertay Liverpool waliba ka caawin kara in ay Reds ku garaacdo hanashada horyaal.

Jamie Redknapp ayaa sheegay in faa,iidada weyn ee ay Man City dheertay Liverpool tayay xiddiga khadka dhexe ee Kevin De Bruyne.

Xiddigii hore ee Tottenham ayaa aaminsan in ay labada kooxoodba ugu cad-cad yihiin ku guulaysiga horyaalka premier League kadib markii ay labada kooxoodba dhibco lumiyeen kulamadii ugu dambeeyay.

Redknapp ayaa aaminsan in ay labada kooxood isku dhibco noqon doonaan laakiin tayada xiddiga De Bruyne ay Man City ka caawin doonto ku guulaysiga horyaalka premier League.

“Waxa ay dhawaan guuldaro kala kulmeen Newcastle ma aqbalayo muranka Pep Guardiola ah in farsamo ku garaacay Arsenal”ayuu Redknapp u sheegay Daily Mail.

“City waxa ay ka badisay koox diciif ah, kooxdaad ma badali karti sidii sixiroolaha kadib markii ay qaab xun soo bandhigeen”.

“Kooxaha Man City iyo Liverpool-ba waxa ay bilabeen in khal-khalaan kadib markii ay cadaadis dareemeen”.

“Halka Faa,iido ee ay Man City haysato ayaa ah Kevin De Bruyne oo ah xiddiga ugu fiican premier League waxana uu ka faacin karaa hanashada horyaalka premier league”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here