Jamie Carragher Oo Weerar Ku Qaaday Xiddigaha Liverpool, Waliba Tilmaamay Halka Khala Ee Uu Galay Jurgen Klopp.

Halyeeyga Kooxda Liverpool ee Jamie Carragher ayaa weerar ku qaaday xiddigaha kooxda Liverpool kadib qaab ciyaareedkii niyad jabka lahaa ee ay soo bandhigeen kulankii West Ham xilli ay Reds mar kale dhibco muhiim ah lumisay.

Carragher ayaa sidoo kale khalad ku tilmaamay in uu Jurgen Klopp iska fasaxo Nathaniel Clyne kaas oo amaah ugu biira Bournemouth waliba keentay in ay Liverpool haatan booska daafac midig ku dhibaatooto.

Liverpool oo bar-baro la gashay Leicester City Arbacadii ayaa sidoo kale bar-baro la gashay West Ham kulan ka tirsanaa premier League.

“Waxa uu run ahaantii ahaa qaab ciyaareed Liita, xiddigo badan ayaa qaab ciyaareed Liita soo bandhigay sida iska cad tababaruhu wuu niyad jabsan yahay”.

“Waxa i dhaawacaya ayaa ah in ayna Liverpool haysan daafac Midig waana Khalad uu sameeyay Jurgen Klopp markii uu fasaxay Nathaniel Clyne, wuu u baahnaa waxa ay ahayd in uu haysto”.

“Milner ayaa ka ciyaaraya daafaca Midig, waxa uu gabi ahaan noqday mid booskiisa ka baxsan, Keita uma muuqdo mid fiican, Mane ma soo bandhigin qaab fiican si la mid ah maanu Arkin Salah”.

“Liverpool ma ahan koox adag haatan umana muuqato mid sax ah”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here