Jamie Carragher Oo Virgil Van Dijk Bar-Bar Dhigay Halyeey Arsenal Ah

0

Halyeeyga Kooxda Liverpool ee Jamie Carragher ayaa amaanay saamaynta uu daafaca Virgil Van Dijk ku yeeshay daafaca Kooxda Liverpool isaga oo daafaca ugu qaalisan suuqa kala iibsiga bar-bar dhigay halyeeyga kooxda Arsenal ee Tony Adams.

Kooxda Jurgen Klopp ayaa 4 dhibcood oo cadaan ah ku haysa hogaanka horyaalka premier league kadib markii ay guul 2/0 ah ka gaadhay kooxda Wolves jimcihii.

Liverpool ayaa ka kabsatay maqnaanshaha daafacyo muhiim ah oo ay ka mid yihiin Joe Gomez iyo Trent Alexander- Arnold iyaga oo kulankii 11-aad ilaashaday shabaqooda horyaalka xilli ciyaareedkan waxana uu Carragher rumaysan yahay in joogista Van Dijk ay tahay mid muhiim ah.

“Taas ayaa mar walba ah saamayn daafacyada fiican, Tony Adam ayaa sidaas oo kale u ahaa Arsenal markii uu fiicneeyay daafaca Arsenal ee joogay”.

“Kaliya ma ahan Astaanta jir ahaandeed laakiin go,aan qaadashadiisa sidoo kale”.

“Marka laga reebo goolkii uu dhaliyay, dhaq-dhaqaaqa Va Dijk ayaa ahaa mid mihiim ah isaga oo joojiyay xiddigo orod badan oo sida Adam Traore oo kale”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

“Ma jiro daafac doonaya in uu ka hor tago xiddigaha ordak badan iyada oo aanay waliba jirin daafac garabka ah oo ilaalinaya”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here