Jamie Carragher Oo Saadaaliyay Sida Ay Wax Noqon Doonaan Kulanka Man United & Liverpool Kadib Jose Mourinho.

0

Halyeeyga Kooxda Liverpool ee Jamie Carragher ayaa saadaaliyay sida uu noqon doono kulanka Liverpool iyo Man United kadib tababare Jose Mourinho.

Jamie Carragher ayaa ku kalsoon in ay Liverpool heli doonto boosas ay ka weerarto Man United sabab la xidhiidha qaab ciyaareedka weerarka ah ee uu tababare Ole Gunnar Solskjaer ku soo celiyay kooxda.

Kooxda Jurgen Klopp ayaa 3/1 ku garaacday Red Devils bilowgii xilli ciyaareedkan kaas oo ahaa kulankii ugu dambeeyay ee uu Jose Mourinho hogaamiyo Man United.

United ayaa dhibaatoonaysay ilaa laga magacaabay Ole Gunnar Solskjaer kaas oo si ku meel gaadh ah shaqada u qabtay laakiin qaab ciyaareed cajiib ah ku soo celiyay kooxda.

Red Devils aya kaliya hal kulan oo guuldaro ah la kulantay 13-kii kulan ee uu Ole Gunnar Solskjaer hogaaminayay kooxda iyaga oo badiyay 11 kulan sidoo kale u sharaxan in ay garaacaan Liverpool Axada.

Laakiin Carragher ayaa rumaysan in qaab ciyaareedka weerarka fiican ee Liverpool ee kulamada ka baxsan garoonkeeda xilli ciyaareedkan in uu garab taagan yahay Reds.

“Sida ay Man United u ciyaarayso kubada weerarka ah ayaa dhibaataysay kooxaha premier League kulamadii ugu dambeeyay waa koox la daawan karo”ayuu Carragher yidhi.

“Waxa laga yaabaa in ay arintaas fursad iyo waliba boos siiso Liverpool kulanka Old Trafford ka dhici doona”.

“Mar walba oo uu Jose Mourinho Old Trafford kula ciyaaro markii uu Joogay Liverpool ayaa helaysay boos yar, xiddigaha Mane iyo Salah way ku adkayd in ay helaan boosas ay weerar ka qaadaan laakiin taas ayaa is badali doonta kulanka soo socda waxana uu kulanku noqon doonaa mid fuan”.

“Liverpool waxa ay rikoodh xun ku leedahay Old Trafford tan ilaa markii uu Sir Alex Ferguson ka tagay laakiin wax ayaa is badali doona, hadii ay Liverpool natiijo ka soo hesho waxa ay lahaan doonaan todobaad weyn iyaga oo la ciyaari doona Watford iyo Everton”.

“Laakiin Man United ayaa kulan weyn ah waana mid ah Man City filayso in ay Liverpool dhibco ku Lumiso, hadii ay 3-da dhibcood ku helaan waxa ay dhirbaaxo ku noqon doontaa Man City”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here