Jamie Carragher Oo Saadaaliyay Labada Kooxood Oo Isaga Hor Iman Doona Finalka Champions League

Halyeeyga kooxda Liverpool ee Jamie Carragher ayaa saadaaliyay 2 kooxood oo isaga hor iman doona Finalka tartanka champions League xilli ciyaareedkan.

Jamie Carragher Ayaa saadaaliyay in ay laba kooxood oo premier League ah isaga hor iman doonaan finalka champions league xilli ciyaareedkan.

Kooxaha Liverpool, Manchester United, Manchester City & Tottenham ayaa dhamaantood iska xaadiriyay 8 dhamaadka tartanka champions League.

Waxa la hubaa in Semi-finalka champions League ay gaadhi doonto hal koox oo England ah kadib markii ay kooxaha Tottenham iyo Man City isku aadeen.

Liverpool ayaa dhankeeda la filayaa in ay si dhib yar u soo baxdo maadama ay ku aaday kooxda Fc Porto.

Dhanka kale Man United ayaa ku aaday koox adag kadib markii ay ku dhacday Barcelona 8 dhamaadka tartanka.

“Natiijooyinkii wareega 16-ka ayaa keenay in la sheego in awooda Yurub is badalayso gaar ahaan kadib markii ay kooxaha Liverpool iyo Ajax reebeen kooxaha Real Madrid iyo Bayern Munich”ayuu u sheegay Telegraph.

“Waxa aan rumaysanahay in ay kooxaha reer England dhaafi karaan Ronaldo iyo Messi sanadkan”.

“Waxa aan aaminsanahay in ay laba kooxood oo premier League ah ay isaga hor iman doonaan finalka champions League xilli ciyaareedkan”.

Jamie Carragher ayaa sheegay in ay Barcelona ku adkaan doonto in ay garaacdo 2 kooxood oo premier League ah.

“Hadii ay Liverpool dhaafto Porto, Barcelona ayaa u baahnaan doonta in ay mar kale dhaafto koox kale oo England ah hadii ay dhaafaan Man United”.

“Waxana aan aaminsanahay in ay arintaas ku adkaan doonto Barcelona”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here